Tuesday, September 10, 2024

Doodii Xildhibaannada ee Dastuurka oo Gabagabo ku dhow iyo Qorshaha lagu ansixinayo

Doodii xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee cutubyada ugu horeeya Dastuurka KMG ah ayaa la shaaciyey in lasoo gabagabeynayo Sabtida 23-ka Maarso 2024.

Kulankii maanta oo uu soo xiray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayuu ka sheegay in doodii Afarta cutub ee ugu horeysa Dastuurka lasoo gabagabeyn doono Sabtida, kadibna lagu wareejin dooni Guddiyada Dastuurka oo soo diyaarin doona Nuqulka loo codeynayo.

Qorshaha Guddoomiyaha Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah in 4-ta cutub ee laga dooday loo codeeyo inta aanay xildhibaannadu aadin fasaxa ciidul fitriga.

Ad

Dhinaca kale waxaa sii xoogeysanaya dadalallada ay madax hore iyo xildhibaanno taageersan ku doonayaan inay hor istaagaan wax ka bedelka iyo ansixinta Dastuurka, iyadoo qodobada ugu xasaasisan ay ku jiraan Cutubta 4-aad.

Madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka digay qaabka loo wado dooda Dastuurka, iyagoo ku dooday inuu keenayo kala tag iyo khilaad cusub.

Sidoo kale xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ayaa ka hor yimid dooda dastuurka oo ay sheegene inay tahay mid lagu bedelayo dastuurka, iyadoo aan lala tashan dhinacyada muhiimka ahaa sida Puntland.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON