Monday, October 2, 2023

Doodda ka taagan Qeybsiga Deeqda $100 Milyan ee Bankiga Adduunka 2022 (Qormo)

-

- Advertisement -

Waxaa muuqata in Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay aad ugu jaahwareersan yihiin fahamka habraaca Kaalmada Caalamka, sababtoo ah muddo 10 sano ah laguma guuleysan dhammeystirka dastuurka KMG oo asaas u noqon lahaa habraaca Maamulka Maaliyadda Qaranka oo Miisaaniyadaha dowladda federaalka, Dowlad Goboleedyada, iyo Dowladaha Hoose lagu soo bandhigi lahaa.

Sidaa darted, Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada waxay isku haystaan wax qaybsi la garan la’yahay sababta, kaaso caqabad ku ah howlgalka dowladda federaalka.

27kii Bishii Luulyo la soo dhaafay , Bankiga Adduunka wuxuu ku dhawaaqay inuu dowladda Federaalka Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan $100 milyan, lacagtaaso ah kabid Miisaaniyadda 2022.

Cinwaanka Qoraalka Bankiga Adduunka ka soo baxay ee ku saabsanaa deeqdaas wuxuu yahay:

- Advertisement -

“Soomaaliya oo $100 Milyan oo Bankiga Adduunka ka timid ku xoojineysa Daahfurnaanta Maaliyadda Dowladda iyo Kobaca furan ee dhaqaalaha Gaarka ah (Somalia To strengthen Fiscal Transparency and Inclusive Private Sector Growth with $100 Million from World Bank ).”

Qoraalka wuxuu tilmaamaya in ujeedooyinka lacagtaas tahay:

* taageridda sii wadida howlaha lagu higsanayo Yoolka dhammeystirka barnaamjika deyn cafinta;
* Taageridda daahfurnaanta Miisaniyadda Dowladda iyo kordhinta dakhliga canshuuraha lagu gaarayo is waafajinta Canshuuraha dekedaha (Harmonirzation of customs regimes) iyo hagaajinta wax isu gudbinta dowladda federaalka dhexdeeda ah (Intergovernmental fiscal Transfers).
* Asaas u noqoshada hagaajinta maamulka maaliyadda dowladda dhexdeeda ah si loo adkeeyo ajendaha kor u qaadidda xasillonida iyo kartida dowladda oo muhiim u ah dhirrigelinta kobaca dhaqaalaha furan, kaaso ay ku xiran tahay horumarinta kalsoonisada daahfurnaanta maamulka maaliyadda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

* Madaama Soomaaliya ay haystaan dhibaatooyinka kedis ah ee ka dhashay isbeddelka cimilada, kalmada waxay wax ka tareysa adkeysiga dhaqaalaha iyo maalgelinta qaybaha kalluumeysiga iyo tamarta la cusbooneysiin karo (Renewable Energy) oo fura u ah shaqo abuur iyo koboc dhaqaale.

* Aburitaanka fursad maaliyadeed ee madaxda dowladda u oggolanaya inay ka jawaabto xaaladda sii xumaaneysa ee abaaraha, sicir bararka cuntada iyo shidaalka iyo quutul daruuriga kale.

* Awood-u-siinta dowladda federaalka inay lacag caddaan ah gaarsiiso dadka tabaaleysan, oo ay ka mid yihiin haweenka, taaso ah habka gurmadka ugu habboon ee wax looga qaban karo musiibooyinka socda.

Wakiilka Bankiga Adduunka u qaabilsan Soomaaliya, Kristina Svensson, waxay tiri ” tallaabada ( this operation) – $100 milyan – waxay kobcineysa Maaliyadda dowladda (Government’s Fiscal space) ay uga jawaabi karto ama wax uga qaban karto xaaladda abaarta, isla markaana ay sii wadi karto fulinta howlaha lagu higsanayo gaaridda dhammeystirka barnaamijka deyn cafinta.”

- Advertisement -

Qoraalka Bankiga Adduunka wuxuu daaha ka qaadaya ujeedooyinka ballaran ee lacagta $100 milyan ah loogu tala galay in lagu maareeyo si barnaamijka deyn cafinta uusan u fashilmin. Dowladda Federaalka waxaa saaran inay kala doorato baahiyada faraha badan ee kor lagu tilmaamay. Sidaa awgeed, ma muuqato sabab Dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ugu murmaan qaybsiga deeqaha iyo deymaha caalamka, waayo deeqahaas waxay marayaan Miisaaniyadda haddii ay yihiin kabid Miisaaniyadeed ama Mashaariic inta badan horey loo qorsheeyay.

Tusaale ahaan,

*Kharajka Miisaaniyadda dowladda Federaalka 2022 waa $918,666,761.

* Dakhliga Guud waa $907,149,798.
~ Dakhliga Gudaha waa $246,988,708.
~ Kaalmada Dibedda waa $660,161,090.

* Farqiga Isdhinka (Deficit) ee dakhliga iyo kharajka guud Miisaaniyadda 2022 waa $11, 516,963.

Sannadkii 2021, waxaa jiray Isdhin (Deficit) noqday deyn taagan oo dhan $15 miliyan.

- Advertisement -

Isugeynta deynta taagneyd 2021 iyo kan la filayo 2022 waxay noqoneysa $26.5 Milyan sida ku cad Miisaaniyadda 2022.

Waxaa muhiim ah in Dowladda Goboleedyada ay ka fiirsadaan doodaha dhaawacaya dib u soo nooleynta wadashaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Ma muuqato sabab waqti loogu lumiyo doodda ku saabsan qaybsiga deeqaha caalamka oo ujeedooyinkooda horey loo qorsheeyay.
Dowladda Federaalka waxaa saaran daahfurnaan.

Miisaaniyad Sannadeedka 2022 ayaa tilmaaameysa qoondada dowlad Goboleedyada ka helayaan deeqaha Caalamka ayadoo ay ku xiran tahay dakhliga gudaha iyo dibedda soo xarooda.

Waxaa muhiim ah in waqti la geliyo lafa guurka nidaamka maamulka maaliyadda dowladda federaalka (Fiscal federalism) oo ah qodob asaasi ah si loo dhammeystiro dastuurka KMG.

W/Q: Dr. Maxamud M. Culusow

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Wararkii ugu danbeeyay Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Istanbul

Qarax is-miidaamin ah ayaa ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, iyadoo faahfaahin dheeraad ah ay kasoo baxeyso.Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga Cali Yerlikaya ayaa...

Ciidamada Dowladda iyo Macaawisley ku dagaalamay Degmada Maxaas

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa beelaha degaanka ay Galabta ilaa caawa ku dagaalameen degmada Maxaas.Dagaalka ayaa...

Siyaasiyiinta Mucaaradka Lafta-gareen oo Dalab culus hordhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb kulan kula yeeshay siyaasiyiinta kasoo jeeda K/Galbeed Soomaaliya ee mucaaradka ku ah madaxweynaha maamulkaasi C/casiis Lafta-gareen.Siyaasiyiintan...

Xubno Alshabaab ka tirsan oo mar labaad Dil Toogasho ah lagu xukumay

Laba Nin oo hore loogu helay inay ka tirsanaayeen Alshabaab ayaa mar labaad lagu xukumay Dil Toogasho ah, iyagoo la sheegay inay dilal qorsheysan...

Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Qasaare badan oo..

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax is-miidaamin ah uu ka dhacay Maqaayad ku taalla agagaarka Sayidka, degmada Howlwadaag ee caasimadda.Qof isku...

Hay’adda NISA oo shaacisay inay qabatay Ninkii Alshabaab Hubka usoo iibin jiray

Hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaalida ee NISA ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay sarkaalkii ugu muhiimsanaa ee Alshabaab u soo iibin jiray hubka iyo...

Dalalka Ciidamada ATMIS oo taageeray Codsigii Dowladda Somaliya ee Dib u Dhigista

Dalalka ay ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ka joogaan Soomaaliya ayaa taageeray codsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah in muddo 3 bilood ah dib...

XOGAHA QARSOON

Xog laga helay kulan Qarsoodi ah oo Turkiga ku dhex maray Sh. Shariif iyo Farmaajo

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku dhex maray madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Shariif...

Taliye Caan ahaa oo lagu la’ yahay Dagaalkii Cows-weyne iyo Xaaladii…

Ehelka Sarkaal Sare oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay la' yihiin Taliye ciidamada ka mid ahaa ciidaadii ku sugnaa aagga...

Dowladda Somaliya Shirkad Shiinees ah u kordhisay Heshiis Kalluumeysi oo mugi ku jiray

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis shatio Kalluumeysi u cusbooneysiisay shirkad dalka China ka socota oo hore dowladii hore ay u siisay shatiyo kalluumeysi oo...

XOG: Maxaa ka jira in Xilka laga qaadayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir..?

Waxaa isa soo taraya wararka ku saasban xil ka qaadista Guddomiyaha Gobolka Banaadir Guddomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale oo la sheegay inuu qarka u...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you

error: Content is protected !!