Wednesday, February 19, 2025

Dood ka dhalatay Diyaaradii Imaaraadka ee Madaxweynaha Kenya u kireystay Mareykanka

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa jawaab ka bixiyay muran ka dhashay diyaaradii uu ku tegay dalka Mareykanka oo hadal heyn badan ka dhalisay dadka Kenya.

Ruto ayaa safarkiisii Mareykanka u qaatay diyaarad laga leeyahay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta oo ah nooca raaxada ah ee madaxdu adeegsado, waxaana la socday oo wafidigiisu ka koobnaa 30 qof.

Dooda hareysay dadka Kenyaanka ah ayaa ahayd inuu Madaxweynahooda kireystay diyaarad dal ajnabi ah leeyahay, halka uu raaci lahaa diyaaradda shirkadda Kenya Airways ama diyaaradda madaxtooyada Kenya leedahay.

Ad

Wararka soo baxay ayaa lagu sheegay in kirada diyaaradda Madaxweynaha Kenya u qaaday Mareykanka uu ku baxay kharash gaaraya $1.5 milyan, balse Diyaaradda Kenya Airways lagu qiimeeyay $300,000 oo kaliya.

Madaxweyne Ruto ayaa ku dooday qiyaasta laga bixiyay qiimaha safarkiisa Mareykanka ku baxay aad looga badbadiyay, isaguna uu yahay mas’uul aad uga digtoon inuu si khaldan u isticmaalo hantida dadweynaha.

Doodii Diyaaradda Madaxweynaha Kenya u kireystay Maraykanka sidaasi kuma dhamaan, balse markii ay xaaladu kasii dartay ayuu farriin soo dhigay Bartiisa X (Twitter), isagoo ku yiri:

- Advertisement -

“Dadweynaha Kenya, waxaan la socdaa dareenka ka dhashay gaadiidkii aan u qaatay Maraykanka. Anigoo ah mas’uul ka ah hantida dadweynaha iyo anigoo ilaalinaya go’aankayga ah inaan ku noolaano awoodeena iyo inaan hormood ka noqdo hawshaas, waxaan idin sheegayaa in kharashka diyaaradda uu ka yaraa safarka Kenya Airways”.

Farriinta Madaxweynaha Kenya ayaa mar kale xaaladda uga sii dartay, waxaana jawaabo ka bixiyay in ka badan 5000 oo Kenyan ah, kuwaas oo intooda badan ka hor yimid in Diyaaradda Kenya ay ka qiimo badan tahay tan uu kasoo kireystay Imaaraadka, waxayna u keeneen caddeyno iyo isbarbardhig qiimaha laba diyaaradood.

William Ruto ayaa galay in kabadan 50 safar oo dibadda ah tan iyo markii uu noqday madaxweynaha sanad kii 2022 – taas oo celcelis ahaan noqonaysa sedex bilood.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON