Friday, October 11, 2024

Dood ka dhalatay Xisaab-xirkii Dowladda ee 2022 iyo Xildhibaanno isu jawaabay

Fadhigii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaala Soomaaliya ee maanta ayaa la horgeeyay Xisaab xirkii dowladda ee sanadkii 2022, kaasoo noqonaya kii ugu horeeyay tan iyo sanadkii 2017.

Xildhibaannada labada Aqal ayaa doodii ugu horeysay ka yeeshay Xisaab xirka dowladda ee 2022, waxayna dhammaan xildhibaannadii fadhiga ka hadlay ay dood ka keeneen qaabka loo diyaariyay xisaabxirka.

Xisaab xirka ayey sheegeen xildhibaannada inaysan faahfaahsaneyn oo aan lagu tilmaami karin xisaabxir, iyagoo dalbadan inay helaan warbixintii Hanti dhowrka guud iyo xisaabxir kharasheed faahfaahsan oo ay ku cad yihiin sida Miisaaniyadda loo isticmaalay.

Ad

Xildhibaannada yaa dood adag ka keenay habka loo mamulo mashaariicda, sida lagu bixiyo kharashaadka dowladda iyo in Wasaaradda Maaliyadda aysan keenin tafaasiil lagu hibin karo miisaaniyaddii la ansixiyay sanadkii hore 2022.

Xildhibaan C/llaahi Kulane oo ka mid ahaa dowladii Farmaajo ayaa eedeeyay xisaab xirka Wasaaradda Maaliyadda, isagoo sheegay inaysan ka muuqan wax tafaasiil ah, isla markaana ay qasab tahay in la caddeeyo Mashaariicda dalka laga fuliyo.

Xildhibaan Cabdimaalik Cabdalla ayaa u jawaabay Xildhibaan Kulane, isagoo ku eedeeyay in dowladiisii aanay 5 sano keenin wax xisaabxir ah, wuxuuna u mahad celiyay Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasiirka, taasoo guux weyn ka dhalisay Xildhibannada labada Aqal.

- Advertisement -

Xildhibaanno kale ayaa hadlay, iyadoo ay ka muuqatay inay laba garab kala yihiin oo qaar difaacayaan dowladii Farmaajo, halka qaar kale ay ka horjeedeen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON