Gaari la sheegay inuu sido waxyaaabaha qarxa oo ay ka digeen Hay’adaha Amniga ayaa Dood kulul iyo qaraaxo ka dhaliyey baraha bulshada.
Muuqaalka gaarigan oo ay saxaafadda u soo bandhigay taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen Axmed ayaa dad badan dabagal ku sameeyeen sawirka gaariga waxayna kasoo heleen ‘Google’ markii ay ka baareen, taasoo keentay in baraha bulshada ay qabsato dood ku saabsan beenta la faafiyey iyo jiritaanka gaariga.
Dad badan ayaa ku talax tegay arrintan oo Booliska ku tuhmay inay dadka marin habaabinayaan qaar kalena waxay is weydiiyeen in Ciddii soo sawirtay laga rabay inay soo qabato Gaariga..!! iyadoo is weydiiyay waxa ay u soo qaban waayeen ciidamada.

Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Jen. Zakiya ayaa shirkeedii jaraa’id ee galabta ku sheegtay in Gaari Land Cruizer Prado oo nooca muuqaalkiisa ay soo bandhigtay la mida uu ku jiro magaalada, iyadoo caddeysay oo kaliya in gaariga laga shakisan noociisa.

Gaarigan mid la mida waxaa Bishii Janaayo 2019 lagu qarxiyey degaanka Baar Sanguuni ee duleedka Magaalada Kismaayo, kadib markii la qabtay isagoo si weyn qaraxyo loogu soo xiray.
HOOS KA DAAWO
Booliska waa caadi inay adeegsadaan muuqaallo isu eg si ay digniin u bixiyaan ama xitaa dadka laga shakiyo gacanta lagu sawiro muuqaal soo dhoweynaya sawirkiisa dhabta ah, mana aha wax lala yaabo ama ceeb laga dhigo.