Monday, November 11, 2024

Dood ka dhalatay kulankii MD. Xasan Sheekh iyo Xubno lagu sheegay Bulshada Rayidka

Dood culus ayaa ka dhalatay kulan ay faafisay Madaxtooyada Soomaaliya oo ay ku sheegtay inuu dhex maray Madaxweynaha iyo Horumuud Bulshada rayidka Soomaaliyeed.

Qoraalka Mdaxtooyada ayaa lagu sheegay inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo sii wada la-tashiyada xaqiijinta hiigsiyada dalka uu kulan la qaatay dhallinyarada, aqoonyahanka iyo hormuudka bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed.

“Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey dhallinyarada iyo aqoonyahanka uu la kulmay arrimaha uu mudnaanta siinayo, kuwaas oo ay ugu horreyso xoojinta fursadaha shaqada, kobcinta dakhliga, ciribtirka Khawaarijta, dhammeystirka dastuurka iyo xaqiijinta hiigsiga Soomaali heshiis ah, isagoo ku ammaanay dhallinyarada Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo xoojinta dowladnimada”.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada.

Ad

Xubnaha kulanka ka dhex muuqday ayaa u badnaa shaqaalaha dowladda, xubno u dhow madaxda dowladda iyo shaqsiyaad kale, waxaana eeda ugu weyn loo jeediyay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ABhsir Bukhaari oo kulankaasi diyaariyay.

Xubnaha Bulshada rayidka ee laga yaqaan Muqdisho ayaan ka muuqan kulankaasi, waxaana dadka qaarkii ay ku doodeen inay dowladda Xasan Sheekh abuurtay Bulsho cusub oo rayid ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON