Saturday, October 12, 2024

Dood ka dhalatay Falkii Guddoomiyaha G/Banaadir ku garaacay Dhalinyarro lagu eedeeyay Dhaqan-xumo

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo la socdaan mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir iyo taliyeyaasha ciidamada Booliska ayaa xalay howlgal ka fuliyay degmada C/casiis, iyagoo xiray goobo lagu caweeyo oo Xeebta Liido ku yaalla.

Gudddoomiya Sheekh Yuusuf ayaa baraha bulshada kasoo muuqday, isagoo Ul weyn ku garaacaya dhalinyaro goob la isku keenay oo Wiilal iyo Gabdho isugu jira, wuxuuna ku eedeeyay inay dhaqan xumo ku dhex jireen, qaarkoodna ay hub heysteen.

Guddoomiyaha ayaa ku dooday inay gacanta ula tageen dhalinyaradaasi ku dhex jiray Daroogada iyo dhaqan xumada, wuxuuna caddeeyay in dhammaan la xiri doono goobaha dhaqan xumada iyo Daroogada ee Xeebta Liido ku yaalla.

Ad

Waxaa muuqaalka laga arkayey Guddoomiyaha oo Ul weyn ku garaacaya Rag iyo Dumar, isagoo ku leh: “Meeqa sano ayaa jirtaa..?”, waxayna Ushiisu ku dhacday rag iyo haween loogu galay goobo Daroogo lagu isticmaalo.

Arrintan waxay dood ka dhex dhalisay Baraha Bulshada, waxaana Guddoomiyaha Gobolka Banaadir lagu eedeeyay in si sharci darro ah awood u adeegsaday, halka dadka qaar ka mida ay Yuusuf Jimcaale ku taageereen inuu dhaqan xumada iyo munkarka gacantiisa ku suuliyo.

Nidaamka Dimoqraadiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhaqanto oo aan intiisa badan ku salesneyn Shareecada ayaa keenaya inaan qofna loo gacan qaadi karin denbi kasta oo uu ku jiro, waana in Maxkamad la geeyo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON