Tuesday, October 3, 2023

Dood ka dhalatay Agaasime cusub oo loo magacaabay Wasaarada Shaqada & Arr. Bulshada

Agaasime cusub ayaa loo magacabaay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Soomaaliya, kadib markii agaasimihii hore ee Wasaaradan C/llaahi Maxamed Cali loo xiray Kiis Musuq ah, kaasoo baaritana ku socdo.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa loo magacaabay Yuusuf Xasan Isaaq oo kasoo jeeda K/Galbeed, isla markaana ay qaraabo dhow yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe.

Agaasimaha guud ee cusub ayaa xilal kasoo qabtay Wasaaradaha Qorshaynta oo uu la-taliye ka ahaa, Howlaha Guud iyo Wasaaradda Deegaanka, wuxuuna ka dhex muuqday waanwaantii dowladda Federaalka ee muddo kororsigii Madaxweyne C/casiis Laftagareen.

Ad

Waxaa baraha bulshada qabsatay dood ay wadaan dadka kasoo jeeda Beesha agaasimihii la xiray ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada C/llaahi Maxamed Cali oo ku saabsan in xilkan ay awood qeyb si aaan ugu lahayd Beeshooda.

Dhinaca kale taageerayaasha reer K/Galbeed ayaa agaasimaha cusub ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,982FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,984FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!