Friday, March 28, 2025

Dood culus oo ka dhalatay Hubka iyo Ciidamada uu Madaxweynaha Puntland la tegay Muqdisho (Warbixin)

Dood xoog leh ayaa ka dhalatay ciidamada iyo hubka culus ee Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni la tegay magaalada Muqdisho, iyadoo noqotay arrinta ugu weyn ee lagu faaqiday Baraha bulshada.

Waxaa lagu kala qeybsamay fikradaha laga qabo arrintan oo aan ahayn mid cusub, laakiin indha dadka soo jiidatay marka ciidamada ilaalada Siciid Deni ay noqdeen kuwii ugu badnaa oo ku hubeysan Boobayaasha culus iyo qoryaha Garneylada laga rido ee RBG, waxaana la arkayey inay ciidamadaasi siteen Sanaadiiq ay saanad ugu jirtay.

Waxaan halkan kusoo koobeynaa fal celin ay arrintan ka bixiyeen siyaasiyiin iyo aqoonyahano:

Ad

“Ma dooneynaa in la qabto Doorasho xor iyo xalaal ah? Arrinta kaliya ee taagan waa in la abuuraa is-aaminaad iyo jawi aan loo baahneyn in Baasuukayaasha inay hadlaan, inta kale waa raaci doonaan” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

“Marka lagaa aamin baxo, ummaduna kuu aragto in aad cadow ku tahay, qof waliba waxa uu heli karo in uu garabka ku soo qaado si uu isaga kaa ilaaliyo waa Sunno Rabbaani ah Sawirka: Askari ka mid ah ciidamada la socda MW Deni” waxaa sidan yiri Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo faallo ka bixiyey sawirka askriga ka mida ilaalada Deni ee Baasuukaha watay.

“Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday oo Villa Somalia sharci darrada iyo xoogga ku fadhiya waxa uu sababay in la kala aamin baxo qof walba intiisa ku tashto. Waxaa dalka loo dhiibay afar sano ka hor ayada oo Soomalida dhami ay u dhantahay doorashadii asaga lagu doortay. Asaga hadda waxaa ka go’an laba midood: doorasho beenaad oo uu hubo natiijadeeda inuu qabsado ama in uu sharci darradaas isaga sii joogo.Waxaan leenahay labadaas midna kuu socon mayaan ee ummadda la heshii inta wali fursaddu furantahay..” ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan Odowaa oo wasiirkii arrimaha gudaha ka ahaa dowladii Xasan Sheekh.

- Advertisement -

“Ciidankaas xooggan ee uu madaxweynaha Puntland, Mudane H.E Said Abdullahi Deni usoo kaxeystay Xamar, isagoo waliba shir uga qaybgalaya gudaha Xalane, wuxuu tusaale u yahay kalsooni darrada iyo is-aaminaad la’aanta ka dhex jirta madaxda dalka. Afar sano kahor xilligii ay madaxda qaranka iyo madaxda dowlad goboleeyadu kulmi jireen isla markaana iska qancin jireen hannaanka doorashada, madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu aalaaba ku dagi jiray xarunta hey’adda nabadsugidda ee NISA. Madaxweynihii hore ee Puntland, wuxuu isna dagi jiray mid kamid hoteellada Muqdisho. Madaxda dowlad goboleeyada kalena guryo ayay Xamar ka degganaayeen. Jawi kalsooni iyo wada shaqeyn ayaa jiray. Maantase Xamar waxay noqotay halaq mareen aan la isku aamini karin, maadaama uu ka taliyo madaxweyne muddo xileedkiisu dhammaaday oo doonaya inuu agaasimo doorasho uu natiijadeeda sii ogyahay, sida uu yeelay dowlad goboleeyada uu ka taliyo. Waanse hubaa in shacabka Soomaaliyeed aysan aheyn kuwa xoog iyo xoolo lagu heysan karo” Farriintan waaa qoray C/raxmaan Yuusuf Ceynte.

Madixii hore ee Hay’ada Heritage C/rashiid Khaliif Xaashi ayaa isna falcelintisa kusoo koobay: “Qeybta VIP-da ee Garoonka Muqdisho waa Goobta Cagaaran ee ay amnigeeda sugaan ciidamada Midowga Afrika, loona yaqaan Xalane, goobtan waa meesha ugu amaanka badan ee Muqdisho oo safaaradaha iyo Un-ka degan yihiin.. Weli waxay u muuqata sidan waxaana ugu wacan siyaasadda xun..”

Taageerayaasha madaxda dowladda Federaalka ayaa fekerkoodu u badnaa aflagaado ay ku weerarrayaan Madaxweynayaasha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON