Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa la sheegay in uu dalbaday in Maraykanka laga sameeyo dhoolatus militari kaas oo la mida kan Faransiiska laga qabto ee “Basstille Day” loo yaqaan.
Wargeyska The Washington Post ayaa soo qorey in markii Trump uu ka qeybgalay dhoolatuskii Faransiiska uu aad u jecleystay in uu sidoo kale ka sameeyo Maraykanka, si loo muujiyo awoodda Maraykanka.
Afhayeenka Aqalka Cad Sarah Sanders ayaa qirtay jiritaanka qorshaha madaxweynaha uu damacsanyahay, waxayna sheegtay in ujeedka uu yahay in la dhiirogaliyo ciidanka qalabka sida.
Balse xisbiga dimoqoraadiga ayaa talaabadan ku tilmaamay mid la mid ah ficilada ay sameeyaan kaligii talisyada. Waxaa kale oo farta lagu fiiqay in dhoolatuska uu ku kici doono qarash aad u badan.
Trump ayaa wasaaradda gaashaandhiga weeydiistay in ay qorsheeyaan sidii munaasabadan loo qaban lahaa. Dhoolatusyadan waxaa lagu yaqaanaa dalka Kuuriyada Waqooyi.
Markii ugu dambeysay ee dhoolatus kan oo kale ah Maraykanka laga qabto waxa ay ahayd sanadkii 1991-dii, xiligaas oo madaxweyne Bush uu u dabaaldagay dhammaadka dagaalkii Gacanka Carabta ee Ciraaq lagu qaaday.