Wednesday, May 14, 2025

Donald Trump: “Jeneraalka Iiraan waxaan amray in la Dilo si aan u joojino Dagaal ee ma ahayn inaan bilowno dagaal”

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa goor dhoweyd saxaafadda la hadlay, isagoo sheegay in amarkii uu ku bixiyey in la dilo Jeneraal Qaasim Suleymaani ujeedkiisu ahaa in lagu joojiyo dagaal uu abaabulayey ee aanu ahayn mid dagaal lagu kicinayo.

Trump oo warkiisu ahaa mid kooban ayaa sheegay in Mareykanka aanu dooneyn dagaal, isla markaana Jeneraal Suleymaani uu ka dambeeyay dad badan oo la dilay, kuna jiray abaabulka weerar Mareykanka loola dan lahaa, wuxuuna ku adkeysatay inuu dilka Jeneraalka reer Iiraan ku joojiyey dagaal.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Mareykanka aanu dooneyn inuu bedelo nidaamka ka taliya daka Iiraan, isla markaana haddii lasoo weeraro ay diyaar u yihiin inay tallaabo qaadaan si ay u ilaaliyaan danaha Mareykanka.

Ad

Hadalka Trump ayaa ahaa mid kooban, oo aan faahfaahin badan lahayn, waxaana su’aal weyn ka dhalatay inuu Mareykanku dooneynin dagaal uu la galo Iiraan, isagoo dhinaca kale dalka Ciraaq amray in lagu khaarijiyo jeneraalkii ugu weynaa ciidamada dalkaasi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON