Monday, April 15, 2024

Diyaarado Dagaal oo Weerar Duqeyn ah ku qaaday Degaan ka tirsan Degmada Xarardheere

Wararka laga helayo dadka degaanka ayaa sheegay in diyaarado dagaal ay duqeyn culus ku qaadeen fariisimo ay kooxda Alshabaab ku leeyihiin degaan Caad ee ka tirsan degmada Xarardheere.

Diyaaradaha dagaalka oo aan la sheegin cidda leh ayaa duqeeyay  degaanno u dhaxeeya degaanada Camaara iyo Ceel-huur, waxaan dadka degaanka laga soo weriyey in halkaasi ay ku sugnaayeen maleeshiyo ka tirsan kooxda Alshabaab oo halkaasi dhowaan kula dagaalamay dadka degaanka.

Wararka ayaa intaa sku daraya in duqayntan ay bartilmaameedsatay laba baabuur oo ay leeyihiin maleeshiyada Al-Shabaab. Malayshiyada Al-Shabaab ayaa dhaq-dhaqaaqyo ka waday deegano hoostaga Xaradheere, waxaana muddooyinkii dambe jiray iska hor imaadyo u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo Al-Shabaab.

Ad

Faahfaahin lagama helin qasaaraha weerarka oo ka mida weerarro hore halkaasi loogu qaaday oo Mareykanku uu sheegtay, iyadoo lagu dilay maleeshiyo ka tirsan Alshabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON