Diyaarad nooca xamuulka ah ee Milateriga oo sida qeybtii ugu horeysay gargaar ka yimid dalka Qatar ayaa maanta ka degtay magaalada Muqdisho.
Deeqdan oo gaareysay 42 tan oo gargaar kala duwan ah waxaa la socday wafdi ka socda dalka Qatar oo uu hoggaaminayo Madaxda sanduuqa Horumarinta dalka Qatar Khaliifa Jasim Alkuwari oo sheegay inay gargaarka Qatar uu yahay mid sii socon doona ayna hore dalka uga howlgalayeen hay’adaha gargaarka dalka Qatar oo kaalmo gaarsiiyey goobaha daadadku saameynta ku yeesheen.
Wasiirka Gargaarka xukuumadda Soomaaliya Xamsa Siciid Xamsa ayaa sheegay in gargaarka ka yimid dalka Qatar uu yahay mid loogu talogalay dhammaan degaanada ay fatahaadu ka dhacday, lana gaarsiin doon, isagoo uga mahad celiyey dowladda Qatar gargaarka ay had iyo jeer u fidiso dadka Soomaaliyeed.