Sunday, November 10, 2024

Diyaaradaha Dagaalka Yuhuudda oo Falastiiyiyiintii ugu badnaa ku laayay Marinka Gaza

Diyaaradaha dagaalka Yuhuudda ayaa duqeyn is daba joog ah ka wada Marinka Gaza, iyadoo dad fara badan ay ku dhimanayaan Guryaha ku dumay ee lagu duqeeyay, dhinaca kalena laga jaray Korontada, Biyaha iyo cuntadii.

Duqeynta Yuhuudda ayaa ka imaaneysa Diyaaradaha dagaalka, Maraakiib iyo Madaafiic, waxaana dhulka lala simay xaafado dhan oo ka mida Marinka Gaza, iyadoo dad badan oo guryahooda lagu duqeeyay laga soo saarayo meydadkooda.

Isbitaalka ugu weyn magaalada Gaza ee Shifaa oo ah kan kaliya oo shaqeynaya ayaa buux dhaafay, waxaana dhaawacyada hadda la dhigayaa Teendhooyin bannaanka Isbitaalka laga sameeyay, iyadoo Daawada ay halis ugu jirto inay go’do.

Ad

Tirada dadka ku dhintay duqeynta Yuhuudda ee Marinka Gaza ayaa 24 saac gudahood kor u dhaaftay 500 qof, waxaana daqiiqad kasta socda duqeyn aan loo aaba-yeelin oo dhaawac iyo dhimasho sababeysa.

Goobaha Yuhuuddu duqeynta ku burburisay waxaa ka mida Masaajidyo fara badan, xarumo Waxbarasho oo ay ka mid tahay Jaamacadda Islaamiga Gaza, Hoteelo, Guryo, xarumo ganacsi iyo xitaa Gaadiidka Gurmadka caafimaadka.

Tirada Falastiiniyiinta ay Yuhuuddu ku xasuuqday Marinka Gaza ilaa markii uu bilowday dagaalka Sabtidii ayaa ku dhow 1400 qof, waxaana dhaawacu ka badan yahay 6000 qof.

- Advertisement -

Waxaa laga digayaa in Marinka Gaza ay ka dhacdo musiibo weyn, iyadoo ay go’doon dhinac waliba leh ay ku jiraan in ka badan 2 Milyan ruux oo degaankaasi ku nool.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON