Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Itoobiya ay duqeyn cirka ah ay ku qaadeen degaano ay ka taliyaan Alshabaab.
Diyaaradaha dagaalka Itoobiya ee Miigga ayaa duqeeeyay xarumo ay Al-Shabaab leeyihiin degaanka Garasweyne oo ku dhowaad 50 KM u jira magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, waxaana la sheegay inay geysteen qasaare kala duwan.
Itoobiya ayaa sheegtay nay halkaasi isku urursanayaan Maleeshiyaad fara badan oo ka tirsan Alshabaab si ay weerarro cusub ugu soo qaadaan dalka Itoobiya, iyadoo ay beegsadeen xarumahaasi iyo maleeshiyada ku sugnaa.
Dhinaca kale Warbaahinta Alshabaab ayaa sheegtay in Diyaarad dagaal oo Miig ah ay gantaal ku dhufatay tuulada Garasweyne, halkaasi ay ku dhaawacantay qof haween ah oo magaceeda lagu sheegay Faadumo Xuseen Cabdi Raxmaan 20 sano jir ah.
Ma jiraan faahfaahino kale oo laga helay weerarrada dhinaca cirka ah ee diyaaradaha dagaalka Itoobiya ay qaadeen shalay iyo maanta, waxaana dowladda Federaalka Itoobiya ka welwelsan tahay is urursiga Ashabaab ku doonayaan inay mar kale weerarraan degaanka Soomaalida Itoobiya si ay u gaaraan xarumaha fallaagada oromada ee OLF.

