Diyaaradaha dagaalka Imaaraadka Carabta ayaa weerarro cirka ah ku qaaday ciidamada dowladda sharciga ah ee Yeman oo uu hoggaamiyo Madaxweynaha fadhigiisu yahay dalka Sacuudiga Cabdi-rabi Mansuur Haadi.
Wasaaradda Gaashaandhigga Yeman ayaa sheegtay in duqeynta diyaradaha dagaalka Imaaraadka ay dhaliyeen dhimasho iyo dhaawac gaaraya 300 qof oo ciidamo iyo shacab isugu jira, kadib markii ay duqeyn is daba joog ah ku qaaday saldhigyada ciidamada dowladda Yeman ee magaalada Cadan iyo Zanjibar; waxayna ugu baaqday dowladda Sacuudiga inay caddeyso go’aankeeda ku aadan dagaalka Dowladda Imaaraadka ku qaaday ciidamada dowladda Yeman.
Weerarka diyaaradaha dagaalka Imaaraadka ku qaaday ciidamada Yeman ee ku sugan Cadan iyo Abyan ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda Yeman ay dib uga qabsadeen xoogaga Imaaraadku taageerto ee Golaha gooni u goosadka Koonfurta Yeman inta badan labadaas magaalo.
Wasaaradda Arrimaha dibadda Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in diyaaradaheeda dagaalka ay weerar ku qaadeen kooxo argagixiso ah oo ku sugan magalooyinka Cadan iyo Abyan ee dalka Yeman weeraraduna ahaayeen kuwo is difaac ah.
War uu soo saaray Madaxweynaha Yeman ayaa isna lagu eedeeyay in dowladda Imaaraadka ay weerar ku qaaday ciidamada dowladiisa Yeman, isla markaana ay taageereyso kooxo gooni u goosad ah, wuxuuna ku baaqay dowladda Sacuudiga inay joojiso gardarrada ay Imaaraadka ka wado dalka Yeman.
Imaaraadka ayaa Koonfurta Yeman ka sameeyay ciidamo gaaraya 90-kun oo askari, kuwaasoo uu qalabeeyay, isla markaana taageero buuxda siiyo, kana amar qaata, waxayna dagaal kula jiraan ciidamada dowladda Yeman ee madaxweynaheeda dibad joogga yahay, kuwaasoo hore u qabsaday magaalada Cadan.
Dowladda Yeman ayaa Golaha Amniga ee Q/Midoobay ka dalbaday inuu kulan degdeg isugu yimaado si xaaladda Yeman looga hadlo, iyadoo dacwad ka dhan ah Imaaraadka u gudbisay Golaha Amniga.