Diyaarad weyn oo milatari oo dhinaca caafimaadka ah, ayna la socdaan dhaqaatiir, qalab caafimaad iyo Dawo ayaa saaka soo gaartay magaalada Muqdisho.
Diyaaradan iyo kooxda Caafimaad ee la socota ayaa waxaa amray Madaxweynaha Turkiga, waxaana isla maanta ay dalkaasi u qaadeysaa dhaawacyada halista ah ee qaraxii shalay ka dhacay Ex. Kontrol Afgooye ee magaalada Muqdisho.
ilaa 80 qof ayaa ku dhimatay qaraxii shalay oo ay ku jiraan laba qof oo Turki ah, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 100 qof oo kale, kuwaasoo ku dhowaad 40 ay yihiin dad xaaladoodu liidato oo u baahan in dibadda loo qaado.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Isbitaalada Muqdisho ay buuxiyeen dadweyne fara badan oo baadi goobaya dad ka maqan oo loo maleylayo inay dhaawac yihiin ama ay ku dhinteen qaraxa, waxaana laga cabsi qabaa inay waqti qaadato sidii dhaawacyada loogu diyaarin lahaa in la qaado.
Guddi ay xukuumadda Soomaaliya u saaray howsha gargaarka ayaa ku sugan isbitaallada Muqdisho, waxaana howsha hadda socota ay tahay sidii loo diyaarin lahaa dhaawacyada u baahan in la qaado.