Diyaarad ayaa ku dhacday caawa duleedka magaalada Moscow, caasimadda Russia, iyadoo wararka soo baxaya ay sheegeyaan in diyaaradda uu lahaa madixii kooxda hubeysan ee Wagner.
Liiska dadka saaran diyaaradda ayaa waxaa ka mid ahaa hoggaamiyaha kooxda Wagner ninka lagu magacaabo Yevgeny Prigozhin oo laga cabsi qabo inuu dhintay.
Diyaaradda ku burburtay duleedka magaalada Moscow ayaa Dab qabsaday, kadibna gubatay, kamana soo sheegin cad ka badbaaday ilaa 10 qof oo saarnaa, waxayna arrintan timid kadib laba bilood isku daygiisii afgambi uu ku qaaday madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, kasoo fashilmay.
Diyaaradda ayaa la arkay iyadoo cirka ka soo dhacaysa oo ku sugan degmada Bologovsky ee gobolka Tver, duleedka caasimadda Ruushka. Waxaana sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ay muujinayaan inuu diyaaradda dab qabsaday.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in madaxii kooxda calooshood u shaqeystayaasha kooxda Wagner uu ku geeriyooday diyaaradda burburtay, iyadoo la baarayo sababta burburka diyaaradda sababay.
Mas’uuliyiinta Ruushka ayaa sheegay in shil diyaaradeed oo ka dhacay Ruushka ay ku dhinteen 10 qof, oo uu ka mida ahaa madixii calooshood u shaqeystayaasha Yevgeny Prigozhin.


