Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Diyaarad nooca xamuulka ah oo saanad u siday Ciidamada ATMIS ee Midowga Afrika ay ku dhacday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Jowhar.
Diyaaradan oo ka timid dalka Uganda ayaa la sheegay inay siday Saanad Raashin u badan iyo Macalimiin Milateri, iyadoo markii caga dhigan lahayd Garoonka ka baxday Wadaddii, kadibna Dab qabsaday.
Dadka saarnaa Diyaaradda ayaa laga badbaadiyay, sida uu sheegay Mas’uul ka tirsan Maamulka Hirshabeelle, mana jirin cid wax ku gaartay, marka laga reebo burbur gaaray diyaaradda.
Shilka ayaa loo aaneynaa inuu ka yimid cilad dhinaca Duuliyaha ah iyo Garoonka oo ah mid aan casri ahayn, waxaana diyaaradda laga saaray dadkii saarnaa, iyadoo markii danbe la damiyay dabkii ka kacay.