Diyaarad  nooca rakaaabka ah oo laga leeyahay dalka Ruushka, isla markaan ay saarnaayeen dad rakaab ah oo gaaraya  224 qof ayaa ku burburtay jasiiradda Sinai ee dalka Masar.
Shilkan ayaa dhacay kadib markii Diyaaradda oo ka soo kacday  magaalada xeebta dalka Masar ku taalla ee Sharm El sheikh ayna ku socotay magaalada St. Petersburg ay dul mareysay degaank Siinaay oo ah meel ay ku xoogan yihiin maleeshiyooyin islaami ah dagaal joogto ahna ku dhex maro ciidamada Masar iyo maleeshiyooyin kala duwan.
Mas’uuliyiinta Masar ayaa sheegay in burburka diyaaradda laga helay bartamaha Sinai, waxaana goobta loo diray 50 gawaaridda gurmad deg degga.
Inta badan rakaabka waxa ay ahaayeen dalxiisayaal u dhashay Ruushka, waxaana hadda uu soo baxaya faahfaahin shilkan diyaaradeed oo ah kii ugu weynaa ee Ruushka ku dhaca.
Goobjooge.com