Diyaarad rakaab oo siday dad gaaraya 100 ruux ayaa ku dhacday agagaarka Garoonka diyaaradaha Almaty International Airport ee dalka Kazakhstan.
Diyaaradan oo ay lahayd shirkadda Bek Air ayaa saaka aroortii ka duushay garoonka Almaty ee dalka Kazakhstan, waxayna dhacday wax yar kadib markii ay hawada gashay, iyadoo aanay wax dab ah qabsanin, waxaana ilaa hadda ku dhintay 14 qof oo diyaaradda la socday.
Waxaa shilka diyaaradeed ka badbaaday 35 qof oo dhaawacyo kala duwan soo gaareen, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi, waxaana socda gurmad degdeg oo lagu badbaadinayo dadkii ku waxyeeloobay shilkaasi.
Diyaaradda ayaa ku socotay garoonka Nur Sultan, wuxuuna nooceedu ahaa Fokker-100, iyadoo diyaaradii la midka ahaa shaqada laga joojiyey, shirkadii diyaaraddaasi sameysayna waxay kacday sanadkii 1996.
Diyaarad
