Monday, February 17, 2025

Diyaarad Drone oo lagu duqeeyay Guriga Ra’iisal Wasaaraha Yuhuuda iyo Wararkii ugu danbeeyay

Diyaarad nooca Drone-ka ah oo ayaa saaka duqeysay Guriga Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ee magaalada Caesarea, iyadoo Qarax weyn laga maqlay Guriga.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa sheegay in Diyaaradda Drone-ka laga soo diray Dalka Lubnaan, ayna ka danbeeyeen ururka Xisbullaah ee dagaalku kala dhaxeeyo isaraa’iil.

Duqeynta iyo weerarka tooska ah ee lagu beegsaday Guriga Benjamin Ra’iisal wasaaraha Israa’iil ayaa noqday weerarkii ugu horeeyay ee noociisa ah oo Xisbullah ku beegsado mid ka mida degaanada Hoggaamiyaha Israa’iil.

Ad

Warbaahinta Yuhuudda ayaa laga soo xigtay in Diyaaradda Drone-ka ah oo ay dagaal kula jireen Helikobtaradda ciidamada Yuhuudda ay ka baxsatay, ayna u suuragashay inay si toos ah u duqeyso Guriga Beynyamin Netanyahu.

Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Yuhuudda ayaa shaaciyay in ra’iisul wasaaraha iyo xaaskiisa aysan joogin gurigooda magaalada Caesarea, markii uu dhacay weerarka iyo qaraxa weyn ee ka danbeeyay.

Booliiska Israa’iil ayaa xiray dhammaan waddooyinka magaalada Kaysariya, waxayna warbaahinta ka hor istaageen inay u dhawaadaan goobta uu Qaraxa ka dhacay.

- Advertisement -

Sidoo kale duqeyn kale ayuu xisbullaah ku beegsaday magaalada Haifa iyo magaalooyin kale, waxaana jira qaraxyo waaweyn iyo qasaare ka dhashay ilaa 55 Gantaal oo lagu duqeeyay degaano ka mida waqooyiga Israa’iil.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON