Wararka laga helayo Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Diyaarad laga leeyahay dalka Kenya ay ku burburtay Garoonka diyaaradaha magaalada Dhoobley.
Diyaaradda oo ahayd nooca xamuulka ayaa la sheegay inay sahay u siday ciidamada Kenya ee ku sugan Dhoobley, iyadoo ku dhacday xilli ay dooneysay inay ku degto Garoonkaasi, waxaana shilkaasi ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.
Duuliyihii diyaaradda ayaa la sheegay inuu dhintay, iyadoo saddex qof oo kale ay ku dhaawacmeen, halka qof kale uu ka badbaaday oo dhaawac fudud kasoo gaaray.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in AMISOM ay sheegtay inaysan cidda ku dhiman shilka diyaaradda, balse ay jiraan dhaawacyo aan ahayn kuwo culus.
Diyaaradda ayaa burbur u geystay qeybo ka mida Garoonka Dhoobley oo ah garoon macmal ah, waxaana istaagay shaqadii garoonka.