Maxamed Maxamuud Sheekh Cali oo ahaa nin dhallinyar oo caan ku ahaa ganacsiga magaalada Muqdisho iyo dhiiigelinta dhalinyrada kale oo maanta dabley hubeysan ku dileen magaalada Muqdisho ayaa gilgilay baraha bulshada ee Soomaalidu adeegsato.
Dhaawac daran ayaa ka soo gaaray Ganacsadaha oo loola cararay isbitaalka, halkaas oo uu ku geeriyooday. Maxamed Maxamuud ayaa ahaa dadkii qurbaha ka yimid, wuxuuna dalka ku soo noqday sannadkii 2011, isagoo tusaale u ahaa dhalinta u taagan horumarinta dalkooda.

2012 ayuu noqday qofkii ugu horreeyey ee dalka ka hirgaliya adeegga Doobiga Dhar dhaqidda qallalan ee dharka (dry cleaning), adeeggaas oo aan dalka ka jirin tan iyo wixii ka dambeeyey xilligii uu waddanku galay burburka.
Wuxuu kaloo soo kordhiyey barnaamij toos loo daawado, oo uu ku dhiirri galinayey dhallinyarada inay ku soo bandhigaan hal abuurkooda, si guulaha ay gaareen ay ula wadaagaan dhallinyarada kale, oo ay ugu noqdaan tusaale ay ku daydaan.

Dilka Maxamed Maxamuud Sheekh Cali waxaa cambaareeyey ururrada bulshada rayidka. Waxaana baraha bulshada hareeyay tacsi iyo farriimo murugo xambaarsan oo lagu muujinayo naxdinta ay reebtay geeridiisa.
Hooyada dhashay marxuumka, Sahra Maxamed Axmed, waxay ka mid tahay xubnaha u dhaqdhaqaaqa ururrada bulshada rayidka, waxayna ka tirsan tahay ururka SWDC.
Ma jirto cid loo qabtay dilka Maxamed Maxamuud Sheekh Cali. Dableydii dishay ayaa iyagana baxsaday. Wuxuuna ka mid noqon doonaa dadka farah badan ee sida joogtada ah loogu laayo Caasimadda Muqdisho.