Faahfaahin ayaa kasoo baxeysa dilal khaarijin ah oo Alshabaab ka fulisay degaanka Ceelashada Biyaha iyo Degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.
Alshabaab ayaa sheegtay dilalkan oo ay fuliyeen dabley Bistoolado ku hibeysan. Weerar ka dhacay xaafada Jamhuuriyaha ee degmada Kaaraan ayaa dbley hubeysan ku dishay askari la sheegay inuu tirsanaa qeybta Ciidamada Deagaanka ee Minishiibiyada oo maagciisa lagu sheegayShariif Muxidiin, waxayna Alshabaab sheegay inay Qorigii uu watay askariga ka furteen.
Dhinaca kale waxay fal dil khaarijin ah uu ka dhacay degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, iyadoo lagu dilay askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada dharcadka NISA.
Ninkan ayey warbaahinta Alshabaab shaacisay in agu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cali Nuur Geedi (Madax Gaduud), waxaana laga qaatay Gaari uu watay. Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Hay’adda Amniga dowladda.