Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa Maanta waxaa oo xukun Dil toogasho ah kuriday askari ka tirsana Hay’adda NISA Maxamed Cali Xuseen oo lagu helay fal dil ah.
Askariga ayaa horaantii 21 Bishii November ee 2021 degmada Beled-Xaawo ku dilay Axmed Sharmaake Cabdullaahi & Sakariye Axmed Gaarane oo ahaa dhalinyaro shacab ah.
Dilkan ayaa ahaa mid laga wada xumaaday, iyadoo askariga uu si bareer ah u dilay labada dhalinyarro oo Kubbad ku ciyaarayay Garoon kuyaalla degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo.
Askariga eedeysanaya ayaa sheegay in isagoo saaran Mooto bajaaj ay ka fakatay rasaas, taasoo dishay labada dhalinyarro. Dad marqaatiyaal ahaa ayaa sheegay inuu eedeynaha uu rasaas baas ah ku furay garoonka oo si bareer ah u dilay labada qof.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdulle Aadan oo xukunka ku dhawaaqay oo ahaa in Dable NISA Maxamed Cali Xuseen lagu riday xukun dil toogasho oo ah qisaasta labada marxuum.
Askarta dowladda Federaalka ayaa si joogto ah u geysta falal dil ah oo ay si gardarro ah ugu geystaan dad shacab ah.
