Sunday, January 26, 2025

Digniinta Amni ee Muqdisho iyo ololaha Kooxda Farmaajo ee ka dhanka ah Mahad Salaad

Digniinta amni ee ka timid Safaaradda Mareykanka ayaa saameyn ku yeelatay caasimadda Muqdisho, iyadoo la joojiyay maanta inta badan duulimaadyadii diyaaradaha caalamig ah ee taga Garoonka Aadan Cadde.

Warka ay baahisay Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa lagu sheegay suuragalnimada weerarro argagixiso oo Muqdisho ka dhaca, siiba Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, balse ma bixin wax faahfaahin ah.

Xalay xilli dambe dhowr qarax ayaa laga maqlay caasimadda Muqdisho, waxaana la sheegay inay Hoobiyeyaal ku dhaceen xaafado ka mida degmada Wardhiigley, mana jiraan wax War ah oo Hay’adaha Amniga kasoo saareen.

Ad

Digniintaas oo ka mida farriimo joogto ah oo Mareykanku soo saaro dunida oo dhan ayaa waxaa si weyn uga faa’iideystay kooxda taageerta madaxweynihii hore Maxamed C/laahi Farmaajo oo uu ugu horeeyo Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Kooxdan waxay si weyn u faafiyeen in qaraxayo iyo weerarro waaweyn oo lagu hoobto ka dhici doonaan magaalada Muqdisho, iyagoo si toos ah ugu eedeynaya agaasimaha xilka banneynaya ee NISA Mahad Salaad inuu qeyb ka yahay.

“Kooxda Argagaxisada (Laba Mahad) ayaa Qorsheynaya 10ka Maalin ee nagu soo Fooda leh in ee caasimada Holac aan Horay la arag ka kiciyaan” ayuu qoray Fahad Yaasiin oo farriin khalkhal weyn xambaarsan soo dhigay Facebook.

- Advertisement -

Qaar ka mida kooxdan Farmaajo waxay faafiyeen inay halis ku jirto nolosha Madaxweynaha iyo madaxda kale ee dowladda, iyagoo Madaxweynaha marna eedeynaya, marna tallooyin u jeedinaya.

Ololaha waxaa hoggaaminaya Fahad Yaasiin oo hore ugu eedeeyay Mahad Salaad inuu la shaqeeyo Alshabaab, waxaana muuqata inuu weli socdo dagaalkii iyadoo xilka laga qaaday, iyadoo aanay jirin wax caddeyn ah oo kooxdan ay soo bandhigeen.

Magaalada Muqdisho ayaa ku jira saacdihii ugu danbeeyay ee Bisha Ramadaan iyo diyaargarowga Ciidul Fitriga, waxaana habeenkii ilaa xilli danbe ay dadweynaha buux dhaafiyeen goobaha ganacsiga, lamana soo werin ilaa iminka wax amni darro ah.

Baraha bulshada ayaa noqday goob ay adeegsadaan kooxaha siyaasadda, Alshabaab iyo shaqsiyaadka wada ololeyaasha ka dhanka ah madaxda dowladda, degaan gaara ama shaqsiyaad xaalad kala dhaxeyso.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON