DALADDA MIDOWGA URURADA WARMOCAD ayaa soo saaray digniin ku saabsan colaadda mudadda dheer ka taagneyd degaano ka tirsan degaanada hoos taga degmada Caddalle ee Gobolka Sh/Dhexe.
War-saxaafadeedka oo si qoto dheer uga hadlaya xaaladda tuullooyinka hoos taga degmada Cadalla ayaa soo saaray qodobo isugu jira baaq, digniin iyo soo-jeedin, waxaana war-saxaafadeedku u qornaa sida soo socota:
  DIGNIIN KU AADDAN XAALADDA COLAADDA RAAGTAY EE DEGAANO KA TIRSAN DEGMADA CADALE EE GOBOLKA SHABEELAHA DHEXE
Taarikhdu markey ahayd 15-ka October 2018 waxaa shir isugu yimid guddiga WARMACAD kaas oo looga hadlaaye waxyaabihii ka qabsoomey hirgelinta hishiiskii is afgaradka ahaa ee dhex marey beelaha dega tuulooyinka Koogar iyo Ceel xarar ee nawaaxiga degmada Cadale.
Guddigu waxuu si aad ah oo qoto dheer uga dooday baahida loo qabo in wax laga qabto dhibaatada aan la soo koobi karin ee heysata dadkii ka soo barakacay tuulada Koogar ee hoos timaada degmada Cadale ee gobalka shabeelada Dhexe.
Guddiga WARMACAD wuxuu dood dheer iyo falanqeyn ka yeeshey waxa ka imaan karo hirgelin la’aanta waxyaabihii laysku soo afgartey shirkii cadale taas oo Hirshabelle ay balan qaadey in muddo 45 casho ah ku dhaqan geliso muddadaas oo ku eg maanta. Sidaas darteed, wuxuu dhaliil u soo jeedinaya maamulka Hir-Shabeelle iyo kan G.Shabeelaha dhexe gudasho la’aan ballantii ay qaadeen, waxuuna guddigu  soo saarayaa digniin ku wajahan arrinkaas, oo toosna ugu socta maamulka Hirshabeelle iyo kan gobalka Shabeellada dhexe. Daladda ururada WARMOCAD ee caalamka, kadib markii ay aragtay xaaladda guud ee ay ku sugan yihiin dadkii ka soo barakacay tuulada BURDHEERE kuwaas oo guryahoodii lagu gubay hantidoodiina ay ku baaba’day dagaalo hore uga dhacay degaankaas,  haddana ay u baahan yihiin waxqabad degdeg ah.
- Kadib, markii uu guddigu arkay in xaaladda dadkaan iyo duunyadooda aaney jirin cid ugu maqan xal degdeg ah.
- Kadib markii uu arkay in xaalku sii daba dheeraanayo, oo hadda laga joogo qiyaastii ku dhawaad laba sannadood.
- Kadib markii uu arkay in dhowr jeer oo hore la qabtay kulamo arrinkaa ku saabsan oo wax looga qabanayo, laguna kala qabtay magaalooyinka Jowhar iyo Cadale, in wixii ka soo baxay shirarkaas ee lagu balamay ay noqdeen go’aano aan wax ka soo qaad laheyn oo ku eg meeshii looga dhawaaqay.
Daladda midowga ururada WARMOCAD ee caalamka waxay soo jeedineysaa qodobada hoos ku xusan:- Â
- Waxaan soo jeedineynaa, in Hirshabeelle iyo maamulka G.Sh.Dhexe ay caddeeyaan mowqifkooda iyo waxyaabiha keenay dib u dhacyadaas is xigxiga, una istaagaan dhameystirka gudashada hawshaas ay ballan qaadeen, waajibkuna ka saaran yahay.
- In maamulka Hir-shabeele sida ugu dhaqsiyaha badan u fuliyo hirgelinta hishiisyadii laysku soo afgartey si loo baajiyo dagaalo dib uga soo cusboonaado nawaaxiga degmada cadale.
- Daladda WARMOCAD, Waxay ku baaqeysaa in gurmad degdeg ah lala gaaro dadkaas dhibaatadu ku dhacday.
- Daladda ururada Warmocad, waxay u taagan tahay mar walba nabadeynta dadka walaalaha ah ee colaaddu dhex martay iyo in meel la isgu keeno, dibna loo soo celiyo walaalnimadii, ehelnimadii,xididnimadii soo jireenka aheyd ee ka dhexeysay.
- Daladda WARMOCAD, oo aad xogogaal ugu ah kaalintii ay dawladda federaalka kula laheyd qabashada iyo gacan ka geysashada shirarkii dib-u-heshiisiineed ee labadan beelood , ayaa waxay mar kale ugu baaqeysaa in dawladdu ay la soo gaarto kaalmo degdeg ah dadkaas mudada dheer ku nool xaaladaas adag.
- Daladda Warmocad, waxay diyaar u tahay in ay qaadato kaalinteeda kaga aaddan nabadda, waxayna diyaar u tahay iney kala shaqeyso cid kasta oo u taagan arrinkaas daacadna ka ah.
- Daladda WARMOCAD, waxay soo jeedineysaa in loo baahan yahay kaalintii soo jireenka aheyd ee culimada diinta iyo duubabka dhaqanka, waxayna ku boorineysaa in ay qaataan kaalintoodii kaga aadaneyd xaaladaas.
- Daladda WARMOCAD, waxay ka digeysaa mar haddii aan xal rasmi ah laga gaarin qilaafka beelahaasi, in mashruuca macawisleyda ee degaanadaas laga abaabulayo laguna hubeynayo maleeshiyaad beeleed degaanka ka soo jeeda ay xaaladda uga sii dari karto, iyadoo ay suuragalna ay tahay in beelahaas oo hal dhinac ah ay hubkaas u isticmaalan qilaafka ka dhaxeeya dadka degan tuulada koogar iyo Ceel xarar.
- Ugu dambeyn daladda WARMCAD, waxay aad isha ku heysaa xaaladda degaanada Hirshabeelle iyo guud ahaan degaanka maamul goboleedka HIRSHABELLE, waxeyna diyaar u tahay gudashada howlaha kaga aaddan nabadda, gargaarka iyo arrimaha bulshada inay kala shaqeyso maamulka Hirshabeelle.
WABILLAHI TOWFIIQ
Maxamed Cabdi Alifleey (Guddoomiyaha midowga daladda  ururada  WARMOCAD)