Diblomaasiyiin reer Galbeed oo aan magacooda la sheegin ayaa laga soo xigtay in hubka ay dowlada Soomaaliya soo iibsato ee ay ogolaatay Q/Midoobay qeybo ka mida lagu iibiyo suuqyada madaow ee magaalada Muqdisho.
Wakaalada wararka Reuters oo warkan faafisay ayaa ka soo xigatay laba diblomaasi in Hubka fudud ee loo fasaxay inay dowladda Soomaaliya soo iibsato si ay ugu qalabeyso ciidamada Soomaaliyeed uu qaar ka mida ku dambeeyo suuqa hubka, iyadoo lagu qiyaasay in hubka suuqa gala uu dhan yahay 35% illaa 40%.
La-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha siyaasada Aweys Xaaji Yusuf ayaa la sheegay inuu qirtay jiritaanka hub la leexsado oo suuqa madow lagu iibiyo laakiin aanu badneyn isla markaana aanu ahay mid joogto ah.
Wakaalada Wararka Reuters ayaa inta badan faafisa wararka ku saabsan arrimaha hubka iyo fadeexadaha dowladda Soomaaliya oo ah hore xiriir gaara ula lahayd guddiga cunaqabateynta UN-ka (Monitoring Group) oo macluumaadkooda muran badan ka taagan yahay.
Goobjooge.com