Diblomaasi Mareykan ah oo xilal kasoo qabtay Wasaaradda Arrimaha dibadda sdalkaasi ayaa si la yaab leh uga hadlay diidmada dowladda Federaalka Soomaaliya ee wax ka bedelka howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Kaaliyihii hore ee Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Afrika, soona noqday Danjiraha Maraykanka ee dalalka Guinea iyo Ethiopia Tibor Nagy, ayaa qoraal uu shaaciyey ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay iska xoreyso Alshabaab, haddiiba ay diidan tahay qorshaha Midowga Afrika, maadaama ay leedahay ciidamo aad uga faro badan.
“Haddii Dowladda Soomaaliya aysan ku qanacsaneyn isbeddellada la soo jeediyay in lagu sameeyo AMISOM, waa inay qaadato mas’uuliyadda ammaankeeda. Ciidammada Soomaaliya marka la isku daro Aad ayey uga fara badan badan yihiin al-Shabaab.. Dagaalka waa inay kusoo af-jaraan hal maalin..” ayuu yiri Tibor Nagy oo u muuqda inuu ku jeesjeesayo mowqifka dowladda Soomaaliya
Wuxuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay tilmaan ah sida madaxda dowladda Soomaaliya aysan danaha dadkooda uga shaqeyn, isagoo yiri:”Soomaaliya waxay u baahan tahay Dawlad u shaqeysa Soomaalida ee aan ka shaqeysan..”.
Tibor Nagy ayaa Muqdisho yimid Janaayo 2020, isagoo wadahadal la yeeshay dowladda Federaalka sida Ra’iisal wasaarihii xilligaasi Xasan Cali Kheyre.
Dowladda Federaalka ayaa ka hor timid qorsha uu wato Midowga Afrika oo ku saabsan in dhammaadka sanadkan AMISOM loo bedelo ciidamo isku dhaf ah oo ka kala socda Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay. go’aankaas oo u baahan inuu ansixiyo Golaha Amniga Q/Midoobay.
