Waxaa shalay magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay ku-simaha ergayga gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo mar kale loo soo magacaabay inuu hogaamiyo Xafiiska UNSOM.
James Swan ayaa xilka Ergeyga QM ee Soomaaliya kusoo shaqeeyay 2019-2022, wuxuuna ahaa ergeyguu dadaalka ku bixiyay qabsoomidda Doorashadii sida weyn dib ugu dhacday ee dagaalka dhalisay, taasoo ugu dambeyn dhaday Bishii ay 2022.
Dib u magacaabista James Swan oo u dhashay Mareykanka ayaa timid, kadib markii dowladda Xasan Sheekh ay dalbatay in la xiro xafiiska UNSOM, wuxuuna xilka u sii heyn doonaa si KMG inta laga heshiinayo howlgalka Xafiiska UNSOM.
Howsh ugu adag ee Ergeyga cusub wajahayo ayaa noqon doonta khilaafka ka dhaxeeya dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Maamulka Puntland oo ay barbar socdaan Doorashooyinka dowlad Goboleedyada iyo Federaalka iyo Dhammeystirka Dastuurka oo is mari waa ka taagan yahay.
James Swan ayaa kulankii ugu horeeyay Muqdisho kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi, waxaana u bilowday shaqo uu afar sano kusoo dhex jiray oo muddo sanad ah uu ka maqnaa.
Dowladda Somaliya ayaa dooneysa dhismaha Guddi farsamo oo ka kala socda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo ujeedkooda shaqo uu yahay unkidda Xafiis cusub Qaramada Midoobey ku yeelato dalka.