Thursday, March 20, 2025

Dhaxal-sugaha Imaaraadka oo Abaalmarin guddoonsiiyey Ra’iisal Wasaraha Itoobiya & Madaxweynaha Eritrea [Sawirro]

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa la siiyay abaalmarinta ugu sarraysa ee uu bixiyo dalka Imaaraadka Carabta ee “Sayid Award”, iyadoo si wadajir ah loogu casuumay magaalada Abu Dhabi.

Isaias Afwerki  iyo Abiy Ahmed ayaa ku sugan iminka Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana casuumay dhaxal-sugaha Imaaraadka Maxamed Bin Zayid oo ay marti u yihiin qorshe ay wadaan Imaaraadka iyo Sacuudiga oo ah in dalalka Itoobiya iyo Eritria ay isbaheysi dhow la yeeshaan kadib heshiiskii dhex maray oo Imaaraadku uu sheegtay inuu ka dambeeyay.

Madaxweynaha Eriteria ayaa dhowaan tegay Sacuudiga kadib markii uu casuumaad ka helay boqorka Sacuudiga Salmaan  Bin C/casiis, waxayna arrintan qeyb ka tahay loolanka ka dhaxeeya dalalka Khaliijka iyo Turkiga oo ku saabsan dalalka Badda Cas ku yaalla.

Ad

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON