Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dagaal ciidamo ku dhex maray degaanka Xaaji Cali ee Gobolka Sh/Dhexe, iyadoo qasaare dhimasho iyo dhawaac leh uu dhaliyay dagaalkaasi.
Ciidamo ka wada tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa la sheegay inay ku dagaalameen degaanka Xaaji Cali, kadib muran dhex maray laba askari oo ka dhashay Qaad, waxaana murankaasi uu isu bedelay dagaal laba dhinac ah oo ay ku lug yeesheen ciidamada Macaawsleyda ee degaankaas.
4 Qof oo midkood askari yahay ayaa ku dhintay dagaalka oo shalay maqribkii degaankaasi ka dhacay, waxaana maanta halkaasi lagu aasay dadkii ku geeriyooday oo ay ka mid noqotay dhaqtarradii kaliya ee tuuladaas Maryan Abuukar oo gacanta ku heysay MCH-ka degaankaasi.
Maryan Abuukar ayaa la sheegay inay dadaal ugu jirtay kala celinta ciidamada diriray markii ay rasaasta haleeshay, waxayna u geeriyootay dhaawacii soo gaaray, iyadoo xaaladda degaankaasi ay maanta deganeyd.