Sunday, February 16, 2025

Dhaqtar uu haleelay Coronavirus oo shaaciyey in 15 shaqaale Caafimaad ay qaadeen cudurka(Akhriso Baaq)

Dr. Xaarith Cabdulqaadir oo ka mida dhaqaatiirta Muqdisho ee laga helay cudurka Covid-19 ayaa sheegay in shaqaale caafimaad oo gaaraya 15 uu haleelay cudurka.

Wuxuu sheegay in shaqaalaha caafimaadka ay yihiin dadka bixiya adeegyada caafimaadka ee dadka uu soo ritay xanuunka Covid-19, iyagoo safka ku jira ee dagaalka lagula jiro xanuunka saf-marka ah, isagoo caddeeyay inay qasab tahay inay helaan qalabkii ay naftooda ku difaaci lahaayeen, si ay bulshadooda u caawiyaan.

“Ilaa iyo hadda waxa uu xanuunku soo ritay 15 shaqaale caafimaad, taasoo ka dhigeysa boqolkiiba 25% dadka xanuunku uu saameeyay in ay yihiin shaqaalaha caafimaadka..” ayuu yiri Dr. Xaarith Shoole oo ka howlgal isbitaalka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, isla markaana maalintii 7-aad karaantiil ku qaadanaya gurigiisa, kadib markii laga helay cudurka.

Ad

Wuxuu ku baaqay in la badbaadiyo Shaqaalaha Cafimaadka oo la siiyo qalabkii xaqiijinayay badqabka naftooda, wuxuuna farriin uu soo diray kusoo gabgabeeyay: “Shaqaale caafimaad oo caafimaad qaba ayaa bixiya adeeg caafimaad..”

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON