Saturday, April 26, 2025

Dhaqtar Caan ahaa oo Goor dhoweyd lagu dilay magaalada Muqdisho iyo faahfaahin..

Waaa goor dhoweyd toogasho lagu dilay Dhaqtar caan ah oo ka howlgala caasimadda ah ee Muqdisho.

Dabley hubeysan ayaa la sheegay inay toogasho ku dileen Dr. Xasan Cismaan Ciise (Dr. Buurane), oo ahaa dhakhtar ku takhasusay cudurarada Maqaarka, isagoo ka howlgeli jiray laba xarumood oo uu ku lahaaa degmada Hodon.

Dilka dhaqtarka ayaa ka dhacay xaafadda Albaraka ee degmada Hodan, magaalada Muqdisho, xilli uu dhaqtarka ka baxay gurigiisa, kuna socday Goobtiisa caafimaad; waxaana baxsaday dableydii falkaasi geysatay.

Ad

Lama oga cidda dilka dhaqtarka geysatay iyo sababta ka dambeysa, laakiin Bisha Ramadaan ayaa si weyn waxa u kordha dilalka ka dhaca Caasimadda iyo magaalooyinka Koonfurta Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON