Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay dhaqaatiir u dhalatay dalka Cuba oo dabley lagu tuhunsan yahay Alshabaab ay kasoo afduubteen magaalada Mandhera ee Waqooyi Bari Kenya.
Labada dhakhtar ee la afduubtay oo kasoo jeeda dalka Cuba ayaa magacyadooda lagu kala sheegay: Landy Rodriguez oo qalliinka qaabilsan iyo Herera Correa oo dhaqtar guud ah, waxaana afduubtay koox wadata laba gaari oo yaryar ay isku hor gooyeen xilli ay saaka ku socdeen shaqadooda, waxaana halkaasi lagu dilay sarkaal boolis ah oo la socday oo goobta ku dhintay, iyadoo mid kale uu baxsaday.

Dhakhaatiirta Cuba ayey dowladda Kenya kala timid dalkooda si ay u buuxiyaan dhaqaatiir yaraan iyo shaqo joojinta joogtada ah ee dhaqaatiirta dalkaasi ku kici jireen, waana shilkii ugu horeeyay ee dhaqaatiirtaaasi ku dhaca.

Kooxda weerarka geysatay ayaa loo maleynayaa inay ka tirsan yihiin Alshabaab. waxaana laga cabsi qabaa in Dhakhaatiirta la afduubtay loo tallaabiyay Soomaalya. Ciidamada Kenya ayaa sheegaya inay ku daba jiraan kooxda afduubka geysatay.