Dhalinyarro boqolaal ah oo doonayey inay shaqo ka helaan Hay”adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa bannaanbax cabasho ah ka dhigay magaalada Muqdisho.
Dhalinyaradan ayaa ku eedeysan sarkaal ka tirsan NISA inuu musuq kula kacay, isagoo muddo dheer ballamo u dhigay, kadibna xalay loo sheegay inay xarunta NISA tagaan 10-saac (4:00 habeenimo- saqda dhexe kadib), iyagoo boqolaal ah markii ay tageenna laga xushay 20 qof kaliya, intii kalena tacadiyo loo geystay oo goobta laga soo eryay.
Iyadoo warbaahinta la hadlayey ayay sheegeen inay muddo dheer la meermeerinayey, horena sawirro looga qaaday, xilli kastaba ay sugayaan in lasoo waco, balse ay dhacday in si xun loola dhaqmay, qaarkood Gaari Cabdi Bille ah lagu eryday oo dhaawacyo soo gaareen, intii kalena la kala eryay.
Ma jirto wax War ah oo kasoo baxay Taliska NISA oo ku saabsan dhalinyarradan cabashada ka ah qaabka shaqo qorita Hay’adda.