Dalalka Carabta qaarkood ayaa caawa laga radinayaa dhalashada bisha Ramaadan ee sanadkan 1441 ee Hijriyadda.
Maxkamadaha iyo Wasaardaha Diinta iyo Awqaafta dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Qatar iyo kuwo kale ayaa dadkooda iyo dadka Muslimka ah ugu baaqay inay maqribnimada Khamiista raadiyaan dhalashada Bisha Ramadaan iyadoo ay Berri ay u tahay 29-ka Shacbaan 1441 H.
Waxaa caawa ay soon u noqon kartaa dalalka qaarkood sida Masar, Turkiga, Ciraq, Tunisa iyo dalal kale oo haddii laga arko caawa bisha ay Berri oo Khamiis ah oo ku beegan 23-ka April 2020 ay u noqon doonto aalinta koowaad ee Bisha Ramadaan, iyadoo haddii la arki waayo oo ah sida ay u badan tahay uu Jimcaha bilaaban doono Ramadaanka sanadkan.
Xarunta International Astronomical Center ayaa ku doodeysa in Bisha Shacbaan ay ku eg tahay Khamiista, maadaama uu inta badan dalalka Muslimka bisha Shacbaan u dhalatay Khamiis 26-kii Maarso, sidaa darteedna Ramadaankuna bilaabanayo Jimcaha 24-ka April.
Ramadaankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu dunid oo dhan saameyn ku yeeshay cudurka saf-marka ah ee Corona, waxaana la xiray masaajidda intooda badan.