Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad ugu dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan markii labaad tartanka Madaxweynaha dalka, marka la gaaro sanadka 2016-ka oo la filaayo doorasho aan qof iyo cod ahayn inay dalka ka dhacdo.
Madaxweynaha ayaa la hadlayay Golaha 88-aad oo ka dhisan Qurbaha oo ah Gole ay ku mideysan yihiin Jaaliyaddo Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inuu yahay Musharax u taagan qabashada hogaanka dalka, xilliga la gaaro waqtiga doorashada. wuxuuna meesha ka saaray jiritaanka qorshe ku aadan muddo kororsi oo sheegay inay dhibaato badan leedahay.
“Haddii aanan gaari karin hal cod iyo hal qof inaan kororsano dhibaato ayay leedahay, Kororsiimada horay ayaan u soo aragnay waa ay dhib badan tahay oo qaladaad badan ayay leedahay, qaladaadka shalay aan galnay yeeynaan gelin oo macno beeline maanta wixii aan hortagno intaan ka tashano oo aan isku raacno beri waxaan rabaa shacabka Somaliyed, hadii shalay 135 Oday Baarlamaanka noo keentay, beri waxaan rabaa dad Somaliyed oo kumanaan gaaraya inay ka qayb qaataan Dowladda cusub ee imaanaysa, kumanaankaas dad matalaya” ayuu yiri Madaxweynaha oo Golaha 88 la hadlayay.
“Hadidi Soomaalidu ii garato aniga inaan mar kale sii joogo waan sii joogayaa, hadii aysan ii garan oo qof kale ay doortaan oo Cali, ama Jaamac, ama Caasho la dhaho ay u gartaan waxaan raalli ka ahay inaan qofkaasi kale ku wareejiyo, waxaan rabaa inaan dhaqan cusub iyo wado cusub inaan jideeyo, Musharax waan ahay sidaas ayaan Musharaxa ku ahay.” Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweynaha oo sii waramaya, ayaa sheegay waligiis inuusan ka mid noqon Urur Diimeed, xilli awooda dalka lagu xaglinaayo Ururka Damul Jadiid, inkastoo Madaxweynaha uu beeninaayo in uu ka mid yahay Ururkaasi. “Anigu Ka Madaxweynaha Jamhuuriyada, ka Xasan Sheekh ahaan Urur Diimeed waligeey kama mid noqon, maantana kama mid ahi, Damul Jadiid, Al-Islaax, Aala Sheekh, Ahlu Sunna Ictisaam Itixaad, Ansaaru sunna, waxaa jirta intaas oo magac, laakiin Madaxweyne kasta dad ka ag shaqeeya oo ka agdhow oo shaqada u fududeeya waa soo jireen, dabcana waa ay jiri doonaan, laakiin waxaan kuu sheegayaa Dowlad Damul Jadiid ay leedahay dalkaan inaysan ka jirin.” Ayuu si cad u sheegay mar uu ka hadlayay xanta badan ee suuqa ugu jirta.
HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA MADAXWEYNAHA OO DHAN:
Goobjooge.com