Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa amarkii ugu adkaa kasoo saaray dadka ku kaca musuqmaasuqa.Isagoo ka hadlayay deeqaha loogu talogalay dadka tabaaleysan ayuu amar ku bixiyay in qofkii lagu helo inuu musuqmaasuqo gurmadka gargaarka uu isaga si toos ah tallaabo uga qaadi doono.
“Haddii uu jiro Qof xukuumadda ka mida ama guddiga ka mida ama Kaam u furtay inuu gargaarka leexsado waxaan codsanayaa inaad aniga ii soo sheegtaan.., lama aqbalayo in dad dhimanaya loo heysto maxaabiis..” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre oo ku hanjabay in sharciga la hor geyn doono.
DHAGEYSO