Saturday, May 17, 2025

Dhageyso: Guddiga Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle oo lagu dhawaaqayo

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa sheegay in uu dhowaan ku dhawaaqi doonaan Gudiga doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle.

Gudigan ayaa u xil saaran qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo dhowaan ka dhici doona magaalada Jowhar, kadib markii madaxweynihii hore kalsoonida ay kala noqdeen xildhibaanada maamulkaasi.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in aysan wax culeys iyo dhibaato ah ka jirin Maamulka Hirshabeelle isagoo sheegay in Madaxweynihii Hore ee Hirshabeelle ay doorteen Baarlamaanka Hirshabeelle ayna isla ayagii kalsoonida kala noqdeen.

Ad

Wuxuu caddeeyay inay si wanaagsan u diyaarin doonaan doorashada Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle iyadoo ay goobjoogeyaal badan imaan doonaan ayna u dhici doono si habsami leh.

 Dhageyso Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON