Guddiga Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyey sababaha keenay inay isku dhacaan Wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil.
Guddiga oo dhowaan kalsoonida kala laabtay wasiirka ayaa ku eedeeyay inuu jebiay dhammaan heshiisyadii la wada galay, iyagoo sheegay in arrintiisa ay hore u galeen madaxweynaha, guddoonnada Baarlamaanka & Ra’iisal wasaaraha, basle uu diiday inuu shaqadiisa ku ekaado.
Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah xogheynta Guddiga Dastuurka ayaa warbaahinta u sheegay inuu Wasiir Xoosh ku dhex jiro shaqo aanu lahayn, isla markaana la isku mari waayay qaabka dib u eegista dastuurka ee Dastuurku sheegayo.
DHAGEYSO SENATOR-KA