Madaxweynaha untland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay xaaladda Puntland ka taagan iyo waxqabadka dowladiisa xilli xaalad kacsn ka jirto degaanada maamulkiisa.
Waraysi siiyay Idaacadda Daljir ayuu waxba ka jiraan ku tilmaamay eedaha loo jeedinay dowladiisa, wuxuuna ku faanay inuu waxqabad weyn ku soo kordhiyay Puntland saddexdii sano ee uu xilka hayay.
“Puntland uma baahna buuq iyo xasarad, uma baahna nin dan leh inuu dadka kiciyo, waxay u baahan tahay iyadoo mid ah oo dhinac u wada jeeda inay danteeda raadsato,.. Dadka Puntland waa inay ka feejignaadaan iska qabtaan wixii xasarad wada…” ayuu yiri C/weli Gaas oo Soomaaliya u rajeeyay inay wado fiican cagta saarto.
DHAGEYSO C/WELI GAAS