Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo dib ugu laabtay Garowe ayaa eedeyn u jeediyay ku xigeenkiisa.
C/weli Gaas ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin Doorashada Aqalka hoose ee Puntland, qoondada haweenka, shirkii Madasha ee Muqdisho oo ay ka qeyb galeen ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.
 “Odayaasha ka hadlaya TV-yada oo meelahaa ka nacnac-leh, waxay ku hadlayaan sax maaha, waan hubaa qaar badan oo iyaga ka mid ah in $100 oo Gabar soodirtay ayey ku nool yihiin..” ayuu yiri Gaas oo si aan hore loo arag u weeraray Odayaasha Beelaha Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa eedeyn u jeediyay kuxigeeniiisa C/xakiim Camey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo uu sheegay inay khalad ahayd sii ay u wajaheen dooda ka taagan qoondada Aqalka hoose ee Somaliland.
DHAGEYSO CODKA C/WELI GAAS
Goobjooge.com