Saturday, May 17, 2025

DHAGEYSO: C/weli Gaas oo ka warbixiyay heshiiskii ka dhacay Dubai & Xaaladda Qandala

Madaxweynaha dawladda Puntland C/iweli Maxamed Cali (Gaas) oo maanta dib ugu laabtay magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay heshiiskii Dubai iyo xaalada Qandala ee Gobolka Bari.

Gaas wuxuu ka hadlay wixii looga hadlay Shirkii Dubia ka dhacay ee hogaamiyeyaasha maamulada Soomaalida, Weerark Daacish ku qaaday Qandala, jawaab uu ka bixiyay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo sheegay in lacago uu lunsaday madaxweynaha Puntland.

“Magaalada Abu Dubai ee dalka Isutagga Emaaraadka Carabta waxaa ka jiray shir ay isugu yimaadeen madaxda Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya waxaana laga wada tashanayay waxyaabo badan oo khuseeya arrimaha Soomaaliya iyo geeddi socodka nabadda Soomaaliyeed, waxaa kale oo aan isku aragnay Madaxweynaha Galmudug iyo madaxdii kaleba anagoo ka wada hadalnay xaaladda magaalada Gaalkacayo” ayuu yiri C/weli Gaas

Ad

Natiijada shirka ka soo baxday  ayuu sheegay in lagu heshiiayay:  “Is afgarad ayaa kasoo baxay shirkaasi oo ku xusan Warmurtiyeedkii shirka laga soo saaray oo ahaa in xabad joojin la sameeyo dadkuna ay magaalada kusoo laabtaan,  wixii kala fogaansho Soomaaliyeed keenaya in laga fogaado waana rajaynayaa in xal waara laga gaaro xaaladda Gaalkacayo,  sidoo kale waxaa cad in Puntland iyadu mar walba aysan duulaan ahayn balse ay dedaal dheer u gashay xasilinta xaaladda Gaalkacayo, waxayna raadinaysay mar kasta nabadgelyo iyo deris wanaag” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

HOOS KA DHAGEYSO SHIRKA JARAA’ID EE C/WELI GAAS

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON