Madaxweynaha Puntland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku eedeeyay Turkiga inuusan fahamsaneyn xaaladda Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in Turkiga uu mashaariicda uu fulinayo ku koobay Xamar iyo Koonfurta oo aanu waxba gaarsiin Puntland, taasoo uu sheegay inay tahay faham darro ka heysta nidaamka Soomaaliya.
“Turkigu wuxuu u heystaa inay Soomaaliya tahay dowlad dhexe, waxaana ku yar fahamka federaalka..” ayuu yiri Madaxweyne Gaas oo tusaale u soo qaatay in ciidamada la tababarrayo Turkigu ka qaato Muqdisho isla markaana wax mashaariic ahna uusan ka fulin degaanada Puntland.
Dhageyso
Goobjooge.com