Ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashiid  oo maanta gaaray magaalada Garowe ayaa sheegay inuu socdaalkiisa ku saabsan yahay xiiso ka dhashay xiriirka dowladda Federaalka iyo Puntland.
“Dalkani waa dal aan hadda dhiseyno oo midnimadiisii isu keeneyno, waxaa dhici kara waxyaabo shaki keeni kara, haddana dad baa Alle naga dhigay waa inaan is fahamnaa oo isu nimaano, wadahadalkeena markuu dhammaado waxaan fileynaa inaan gaarno muwaafaqo” ayuu yiri Cumar C/rashiid oo xusay in Axmed Madoobe uu ka mid noqon doono wada-tashiga.
Madaxwaynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa isna sheegay in Ra’iisal wasaaraha u yimid wadatashi ku saabsan sidii looga wadahadli lahaa xiriirka dowladda Puntland iyo dowlada Federaalka oo uu sheegay inaysan muddooyinkii danbe isu fiicneyn, wuxuuna intaas ku daray in Puntland aamisan tahay in laga weecday qorshihii geedi socodka nabadda Soomaaliyeed.
“Ra’iisal wasaaraha waa noo yimid, waxaan rajeynayaa in su’aalaha Puntland qabto uu ka jawaabi doono, wadahadalkeena waxaan rajaynayaa inuu keeno midnimo Soomaaliyeed” ayuu yiri C/weli Gaas oo xusay inuu la joogo Axmed Madoobe oo arrimahan ay ka wadahadlayaan.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]