Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa si rasmi ah shalay ugu dhawaaqay musharaxnimadiisa xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Xaflad ka dhacday Magaalada Baydhabo kana qeyb galeen Bulshada qeybaheeda kala duwan ayuu Mudane shariif Xasan ku shaaciyay musharaxinimadiisa madaxtinimo, isagoo balanqaad sameeyay haddii uu xilka Madaxweynaha ku guuleysto.
Shariif Xasan oo xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed haya ayaa doonaya inuu isagoo xilkaasi haya haddana u tartamo jagada madaxweynaha Soomaaliya, arrintaas oo uu ka dhaadhiciyay xildhibaanada maamulkiisa.
Goobjooge.com