Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe ayaa si qayaxan u kashifay wixii ka dhacay shirkii Madasha Qaran ee Muqdisho, isagoo sheegay in madaxdii maamulada ay ku fashilmeen inay heshiis gaaraan, arrintaas kadibna beesha caalamka oo uu sheegay inay tahay Beesha lixaad ay sheegtay inay qaadaneyso go’aanka ay gaarto dowladda Federaalka.
Isagoo hadalkiisa sii wata Axmed Madoobe wuxuu sheegay in Madaxweynaha iyo Ra;iisal wasaaraha ay sheegeen inay qaateen go’aanka la shaaciyay, beesha caalamkun ku taageertay oo sidaasi wax u dhaceen, iyadoo aysan jirin wax kale oo la sameyn karo, marba hadii aanay jirin wixii ay rabo loo yeelayo.
DHAGEYSO HADALKA XIISAHA LEH EE AXMED MADOOBE
Goobjooge.com