Sunday, December 3, 2023

Dhacdo yaab leh: Meyd lagu Dul dagaalamay & Nabadoon labaad oo lagu dilay

Dhacdo yaab leh ayaa laga soo weriyey magaalada Muqdisho shalay markii khilaaf ka dhashay Aaska Nabadoon lagu dilay magaalada uu keenay in lagu dul dagaalamo, iyadoo uu ku dhintay Nabadoon kale.

Falkan ayaa ka dhacay aaskii Ugaas Xuseen Maxamed Daa’uud oo dabley hubeysan ay shalay ku dishay maqaayad ku taalla Suuq Bacaad isaga iyo askari ilaalo u ahaa (Akhriso Warkan), laakiin aaskii Ugaaska ayaa lagu dilay Nabadoonka kale oo lagu magacaabo Maxamed Cumar Caweeye, markii uu rasaas ku furay sarkaal Boolis ah oo ay is maandhaafeen.

iska hor imaadka waxaa kaloo ku dhaawacmay sarkaal ka tirsan ciidamada Asluubta oo lagu magacaabo Mustaf Sheekh Cali, kaasoo la sheegay inuu ku dhex jiray xalinta muranka ka dhashay aaska Ugaaska.

Ad

Dadka ehelka la ah Ugaaska la dilay ee meydkiisa lagu dul dagaalamay ayaa sheegay in khilaafka keenay geerida danbe uu ku yimid arrimo beesha Ugaaska kasoo jeeda u dhaxeeyay, waxaana arrintan oo aan hore loo arag ay keentay naxdin, iyadoo loo xil saaray odayaal.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON